Fr. 40.70

Kasdareen. The Holistic Psychology

Somali · Taschenbuch

Versand in der Regel in 2 bis 3 Wochen (Titel wird auf Bestellung gedruckt)

Beschreibung

Mehr lesen










Miyaysan ahayn arrin la-yaab leh in aynnu dhigannay taariikh, xisaab, iyo juquraafi, balse aynnu seegnay fasalkii ahaa sida loogu noolaado nolol wanaagsan? Miyuuse jiray fasalkaas horta? Ka warran haddii aan ku dhaho fasalkaas casharradii lagu dhigi lahaa waxaad ka dheegan kartaa dhiganahaan, waxaana macallimiin kuu noqonaya Epictetus, Martin Seligman, B. J Fogg, Mark Hyman, Kelly McGonigal, Matthew Walker, Cal Newport, Kristin Neff iyo Wallace D. Wattles!

Sannaddii 2007 ayaa waxaa ila soo daristay murugo xanuun badan oo igu qasabtay in aan buugaagta ka raadiyo nafis iyo wehel, si aan uga baxsado ciriiriga dhul iyo midka seben ee aan dareemayay. Waxaa halkaas ka bilowday safarkaygaygii qaarinnimada, walow aan yaraantaydii jecelaa akhriska iyo qoraalka. Ma ahayn ruux akhriya buug kasta oo ay dadku ii faaniyaan ama maktabadda yaalla ee waxaan akhrin jiray uun mowduucyada aan xiiseeyo.
Muddo markii ay buugaagtu ii ahaayeen barkin ayaan is-weydiiyay culuumtaan aad habeen iyo maalin ku cayilinayso caqligaaga oo aad ku quudinayso qalbigaaga, goorma ayaad wax ka qori ama bulshada uga faa'iideyn, inta ay naftu kaa nuuxnuuxsanyso? Aniga oo og in aanay dadkaygu jeclayn wax akhriska ayaan 2016 bilaabay in aan Youtube-ka ku baahiyo muuqaallo koobkooban. Nasiibwanaag, 2019 waxaan ka mid noqday dadkii ka badbaaday caabuqii Covid-19. Xabsi-gurigii uu cudurku igu xukumay ayaa waxaa ka dhashay in aan ku curiyo KASDAREEN.

Produktdetails

Autoren Shanwiil Baale
Verlag Looh Press
 
Sprache Somali
Produktform Taschenbuch
Erschienen 03.09.2023
 
EAN 9781912411658
ISBN 978-1-912411-65-8
Seiten 336
Abmessung 152 mm x 229 mm x 20 mm
Gewicht 547 g
Thema Ratgeber > Spiritualität > Altes Wissen, Alte Kulturen

Kundenrezensionen

Zu diesem Artikel wurden noch keine Rezensionen verfasst. Schreibe die erste Bewertung und sei anderen Benutzern bei der Kaufentscheidung behilflich.

Schreibe eine Rezension

Top oder Flop? Schreibe deine eigene Rezension.

Für Mitteilungen an CeDe.ch kannst du das Kontaktformular benutzen.

Die mit * markierten Eingabefelder müssen zwingend ausgefüllt werden.

Mit dem Absenden dieses Formulars erklärst du dich mit unseren Datenschutzbestimmungen einverstanden.