Fr. 51.20

Adkaysi

Somalo · Copertina rigida

Spedizione di solito entro 2 a 3 settimane (il titolo viene stampato sull'ordine)

Descrizione

Ulteriori informazioni










SANADIHII AAN SIYAASADDA KU JIRAY waa sheeko-nololeed xiiso badan oo ku saabsan nolosha siyaasadeed ee mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya maanta. Buuggan wuxuu si qoto dheer u sawirayaa safarka dheer ee qoraaga - laga bilaabo carruurnimidiisii Buulaburte, ilaa markii uu ka mid noqday dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah, iyo doorarkiisii kala duwanaa ee siyaasadda Soomaaliya. Qoraagu wuxuu si daacad ah u sharxayaa caqabadihii uu la kulmay, oo ay ka mid yihiin xarig, dibad-bax, iyo xataa isku day dil. Wuxuu iftiimiyaa xiriirkadiisa lala lahaa hogaamiyayaal kala duwan, ururro siyaasadeed, iyo dowladaha shisheeye, isagoo bixinaya aragti cusub oo ku saabsan siyaasadda iyo diblomaasiyada Soomaaliya.Buuggu maaha oo kaliya diiwaangelinta taariikhda shaqsiyeed, laakiin waa casharro muhiim u ah jiilalka cusub ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa danaynaya arrimaha siyaasadda iyo horumarinta qaranka. Buuggu wuxuu bixinayaa aragti qoto dheer oo ku saabsan sida loo maareeyo caqabadaha siyaasadeed iyo muhiimadda adkeysiga iyo go'aanka adag.CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR WARSAME wuxuu ku dhashay magaalada Buulo Barde, gobolka Hiiraan 1968-dii. Wuxuu shahaadada Bachelor of Law ka qaatay Jaamacadda International University of Africa ee Khartuum, Suudaan 1997-dii, wuxuuna Master of Laws ka qaatay Jaamacadda National University of Malaysia 2002-dii. Wuxuu sidoo kale koorasyo ku saabsan hogaaminta, maamulka iyo xariirka caalamiga ah ka qaatay Machadka Hogaaminta London. Waa siyaasi Soomaali ah oo magac weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, isagoo noqday xubin muhiim ah oo ka mid ah shirkii dib u hishiisiinta Soomaaliya. Waxa uu soo noqday xubno baarlamaanka iyo wasiirka qorshaynta iyo xariirka caalamiga ah. Wuxuu lataliye u soo noqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo laba jeer u tartamay xilka madaxweynenimada. Waa guddoomiyaha xisbiga Wadajir. Bishii Maajo 2022, waxa loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Abaaraha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu qoray buugga 'Adkaysi (Looh Press, 2024).

Dettagli sul prodotto

Autori Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Editore Looh Press
 
Lingue Somalo
Formato Copertina rigida
Pubblicazione 10.02.2025
 
EAN 9781912411498
ISBN 978-1-912411-49-8
Pagine 322
Dimensioni 161 mm x 240 mm x 24 mm
Peso 708 g
Categoria Scienze sociali, diritto, economia > Sociologia > Opere generiche, enciclopedie

Recensioni dei clienti

Per questo articolo non c'è ancora nessuna recensione. Scrivi la prima recensione e aiuta gli altri utenti a scegliere.

Scrivi una recensione

Top o flop? Scrivi la tua recensione.

Per i messaggi a CeDe.ch si prega di utilizzare il modulo di contatto.

I campi contrassegnati da * sono obbligatori.

Inviando questo modulo si accetta la nostra dichiarazione protezione dati.