Fr. 45.50

Taariikhda Qorista iyo Horumarinta af Soomaaliga - Horumar, Dibudhac, iyo Dibuhinqasho

Somali · Hardback

Shipping usually within 2 to 3 weeks (title will be printed to order)

Description

Read more










QORAALKAN WAA BUUGGII UGU HORREEYAY ee ay diyaariso Xarunta Horumarinta Hoggaaminta Dhaxalreeb. Soo saaridda buuggan "Taariikhda Qorista iyo Horumarinta af Soomaaliga" waxay qayb ka tahay hindisaha Xarunta Dhaxalreeb ee fursad loogu abuurayo aqoonyahannada jiilka cusub inay xog iyo xikmad kala haraan dadkii waayo hore u soo joogay.
Buugga waxaa lagu soo ururiyay aragtiyada iyo waaya-aragnimada xeeldheerayaal afka iyo suugaanta Soomaaliyeed u dhuundaloola. Wuxuu akhristaha u suurtagelinayaa inuu si qumman uga bogto labeenta aqoonyahannada mowduucan. Buugga wuxuu u habaysanyahay cutubyo mid waliba si qotadheer loogu soo qaadayo mowduuc gaar ah oo la xiriira farta iyo afka Soomaaliyeed: taariikhda qorista far Soomaaliga, qorista farta iyo waxbarashada, cilmibaarista afka, iyo afka iyo suugaanta.
Su'aalaha buugga uu ka jawaabayo waxaa ka mid ah: Maxaa farta Latin-ka looga doorbiday Carabiga iyo Cusmaaniyada? Yaa curiyay farta rasmiga ah ee Soomaalidu maanta adeegsato? Saamayn intee le'eg ayay qorista farta ku yeelatay waxbarashada? Waa maxay xiriirka ka dhexeeya afka iyo suugaanta? Af Soomaaliga iyo waxbarashada dalka xaggee ayay maanta kala joogaan? Waxaa buugga uu iftiiminayaa lagama maarmaannimada in la iskuxiro wixii shalay qabsoomay ama xumaaday, maanta xaaladda aan ku jirno, iyo tallaabooyinka loo baahanyahay in la qaado si wax loo toosiyo.
Buuggan waxaa loogu talagalay cid kasta oo danaynaysa inay hesho xogta aasaasiga ah ee afka Soomaaliga qoristiisa iyo guulihii laga gaaray. Wuxuu si gaar ah baraarujin ugu yahay da'da cusub ee aqoonyahannada ah. Waxaa si fiican uga faa'iidaysan kara cilmibaarayaasha oo ay ku jiraan ardada jaamacadaha ee qorshaynaya inay ku biiraan cilmibaarayaasha afka iyo suugaanta.

Product details

Assisted by Fardowsa Muuse Cismaan (Editor), Cabdullaahi Yuusuf Ibraahim (Editor)
Publisher Xarunta Dhaxalreeb Publications
 
Languages Somali
Product format Hardback
Released 18.09.2024
 
EAN 9781912411955
ISBN 978-1-912411-95-5
No. of pages 196
Dimensions 157 mm x 235 mm x 15 mm
Weight 443 g
Subject Humanities, art, music > Education > School education, didactics, methodology

Customer reviews

No reviews have been written for this item yet. Write the first review and be helpful to other users when they decide on a purchase.

Write a review

Thumbs up or thumbs down? Write your own review.

For messages to CeDe.ch please use the contact form.

The input fields marked * are obligatory

By submitting this form you agree to our data privacy statement.