Fr. 21.50

Shiicada - Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika

Somali · Paperback / Softback

Shipping usually within 2 to 3 weeks (title will be printed to order)

Description

Read more










Ogaanshaha taariikhda iyo caqiidada shiicadu waxay noqdeen xilliyadan dambe lama huraan marka la eego aqoonta yar ee ay ummadda Muslimka ahi u leedahay, gaar ahaan bulshweynta Soomaaliyeed. Sidoo kale, faafitaanka xawliga ku socda ee caqiidada iyo siyaasadda Shiicada, kuwaasoo ku fidaya xoog iyo xeelba, ayna daadihinayaan dawlad, waa Iiraane, iyo shacabkeedii oo isku duuban, waxay u baahan yihiin baraarug iyo feejignaan ilaa heer ummadeed ah.Qormadan kooban waxay isku dayeysaa inay wax ka bidhaamiso jawaabaha weydiimahan soo socda:- Waa maxay sooyaalka Shiicada?- Maxay bulshada shiicada ahi rumeysan tahay?- Waa sidee qaab-dhaqankooda siyaasadeed iyo midka diineed ee ay dadka Muslimiinta, Sunniga ah kula dhaqanto?- Ma jirtaa wax xog ah oo la cuskan karo oo muujineysa jiritaankoodii Geeska Afrika iyo Soomaaliya?Cilmi-baaris la sameeyey, si jawaab loogu helo isweydiimahaa kor ku xusan, waxay soo bandhigeysaa taariikhda madow iyo caqiidada silloon ee kooxda shiicada. Sidoo kale, qorshaha dahsoon ee ay dawladda Shiicada ee Iiraan u degsatey sidii ay u shiiceyn laheyd bulshada Muslimiinta, Sunniga ah. Dhanka kalena, dibindaabyada sir iyo saaqba leh ee ay ka dhexwaddo Muslimiinta. Waxa kale oo ay qormadu wax ka tilmaameysaa sooyaalkii shiicada ee Geeska Afrika.
KU SAABSAN QORAAGA:CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin: Ka Joogsada qof yiri "Laa Ilaaha Illallaah" (2011); Tarankii Qurbaha Tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021). Hadda wuxuu ku hawllan yahay sidii uu u soo saari lahaa labo buug oo cusub oo mid ka mid ahi yahay sheeko ku saabsan qiso run ah oo dhacday. Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance.

Product details

Authors Cabdulqaadir Cabdulle Diini
Publisher Diini Publications
 
Languages Somali
Product format Paperback / Softback
Released 29.11.2023
 
EAN 9780957318090
ISBN 978-0-9573180-9-0
No. of pages 150
Dimensions 140 mm x 216 mm x 9 mm
Weight 221 g
Subject Humanities, art, music > History > Regional and national histories

Customer reviews

No reviews have been written for this item yet. Write the first review and be helpful to other users when they decide on a purchase.

Write a review

Thumbs up or thumbs down? Write your own review.

For messages to CeDe.ch please use the contact form.

The input fields marked * are obligatory

By submitting this form you agree to our data privacy statement.