Fr. 37.40

Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug - Xogogaal

Somali · Paperback / Softback

Shipping usually within 2 to 3 weeks (title will be printed to order)

Description

Read more










Galmudug waxay ku taalaa bartamaha Soomaaliya waxaana dega dhamaan qabaa'ilka Soomaalida. Laga soo billaabo sanadkii 2007-dii, markaan ku soo biiray Siyaasadda Soomaaliya ilaa iyo bartamihii 2017, waxaan ka shaqeeyay ee dhinaca siyaasadda, si Xogogaal ahaan ah baan buuggan ku falanqeyni. Sidoo kale buugga waxaa ku xusan dagaalladii sokeeye, shirarkii dib-u-heshiisiinta, ururdiimeedyadii dowladihii ku-meelgaarka ahaa ee ay kala hoggaaminayeen madaxweynayaashii kala duwanaa sida; Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud, Maamulladii kale oo dalka ka jiray iyo Urur Diimeedyadii jiray waqtiyadaas. Waxaa si faahfaahsan buuggu u falanqeyn taariikhda Gobollada Dhexe, Maamulka Bartamaha Soomaaliya iyo sidii uu ku yimid, Caqabadaha uu la kulmay. Qeybta ugu balaaran ee buugga waa dhismihii Galmudug, guddiyadii shaqooyinka ay soo qabteen, Galmudugtii hore, Ximin iyo Xeeb iyo Maamulladii kale oo jiray. Sidoo kale Galmudug sidii ay u dhisantay, sababihii keenay ilaa iyo doorashadii Madaxweyne Xaaf iyo doorkii dowlada Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xaashi Cabdi "Carrabey" waa aqoonyahan, siyaasi, barre, ganacsade, aabbe ku dhashay magaalada Beled Xaawo 1972-dii, deganaa wixii ka danbeeyay 1991 wadamo kala duwan. Waxbarashadiisii hore waxay aheed Soomaaliya. Wuxuu ka qalanjabiyay Northampton University BA Daraasaadka Warbaahinta; Northampton University MA Xiriirka Caalamiga; Robert Gordon University MBA Maamulka Saliidda iyo Gaaska; oo ah kuligood Ingiriiska. Madaxweyne ku Xigeenka Dawlad-Goboleedka Galmudug (...-2018). Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta (2020-). Wuxuu ku hadlaa afaf kala duwan sida Soomaaliga, Ingiriiska, Hollandiiska, iyo Carabiga. Wuxuu qoray oo la daabacay: Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal (Looh Press 2024). Mudane Maxamed X. Cabdi Carrabey waa aabbe xaasle ah lehna 12 caruur.

Product details

Authors Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey
Publisher Looh Press Ltd
 
Languages Somali
Product format Paperback / Softback
Released 30.04.2024
 
EAN 9781912411818
ISBN 978-1-912411-81-8
No. of pages 308
Dimensions 170 mm x 244 mm x 17 mm
Weight 535 g
Subject Social sciences, law, business > Political science > Political science and political education

Customer reviews

No reviews have been written for this item yet. Write the first review and be helpful to other users when they decide on a purchase.

Write a review

Thumbs up or thumbs down? Write your own review.

For messages to CeDe.ch please use the contact form.

The input fields marked * are obligatory

By submitting this form you agree to our data privacy statement.