Fr. 29.40

Tiryaaq. Tallaalka Shubhada

Somali · Paperback / Softback

Shipping usually within 2 to 3 weeks (title will be printed to order)

Description

Read more










Kitaabkan hortaada yaallaa waa miiddii laga tuujiyey siddeed sanno oo *baaris*, akhris, wadasheekaysiyo iyo doodo ahaa, aniga oo isku taxallujiyey in aan wixii is lehba dhinac isku mariyo, waxana aan ku dedaalay in aan habeeyo oo quraaro. Waxana aan markaas ka bilaabay meesha ay tahay in laga duulo, taas oo ah in aan saxo ilaha aqoonta laga qaato, taas oo ahayd ka dib markii aan salka u dhigay qaybo ka mid ah hordhacyada muhiimka ah ee shubuhaatka ku sabsan. Intaas ka dib waxa aan tooshka ku ifiyey manaahijta seeska u ah shubuhaatka, waxana aan xusay kuwayawga ugu muhiimsan waanan naqdiyey, intaas dabadeed waxa aan soo qaatay seesaska lagu dul dhisay shubuhaatka oo waxa aan ka tagay dhif iyo naadir noqonayo. Intaas ka dib waxa aan jeexay khariidad-hawleeddii aan ku burin lahaa shubuhaatka, taas oo koobsanaysa tallaabooyin dhayda ka cad, waxana aan buugga ku soo afmeeray tusaaleyaal xul ah oo shubuhaatka ku saabsan, aniga oo isku dayaya in aan si hawlqabad ah u dabbaqo tallaabooyinkaas aan ku burinayo.
Shubuhaatkuna waa ciiddaas iyo camaarkaas oo kolba waa soo xuubdhacsadaan, in la koobaana waa adag tahay, waxa aan markaas rajeynayaa in buuggani noqdo mid si mugweyn u qaadaadhigaya shubuhaatkii, kaas oo xoogga saaraya in la daweeyo jirridda shubuhaatka, in ka badan inta uu daweynayo kaamaheeda. Waxana xikmadda ka mid ah in xididdada loo siibo geedka xun, halkii la isku hawli lahaa in la gaagaabiyo laamaha qaayisay; maxaa yeelay haddii aad laamaha gaagaabiso waxa soo biqlaysa uun laan kale, haddii se aad geedka gabigiisaba xididdada u siibto dhammaan laamihii oo dhan ayaa wada dhacaya, xitaa haddii uu geedkaasi lahaa kun laamood!

Product details

Authors Ali Mohamed Salah
Publisher Yaqeen Press
 
Languages Somali
Product format Paperback / Softback
Released 04.05.2024
 
EAN 9788269367720
ISBN 978-82-693-6772-0
No. of pages 342
Dimensions 152 mm x 229 mm x 21 mm
Weight 556 g
Subject Humanities, art, music > Religion/theology > Other religions

Customer reviews

No reviews have been written for this item yet. Write the first review and be helpful to other users when they decide on a purchase.

Write a review

Thumbs up or thumbs down? Write your own review.

For messages to CeDe.ch please use the contact form.

The input fields marked * are obligatory

By submitting this form you agree to our data privacy statement.