Fr. 29.40

Wiilkii Quusan Waayey - Xusuusqorkii Ololahii Qaaddiid: Xusuusqorkii Ololihii Qaaddiid

Somali · Paperback / Softback

Shipping usually within 2 to 3 weeks (title will be printed to order)

Description

Read more










"Buuggaani ma aha buuggii ugu horreeyey ee laga qoro qaadka iyo waxyeellooyinka uu bulshada u geystay. Laakiin, waxa uu buugaagta kale kaga duwan yahay waa inuu ka kooban yahay dhibaatada qaadku uu shakhsiyan ii geystay iyo sidaan aakhirkii uga guuleystay. Waxaa kale oo uu buugaagta kale kaga duwan yahay wuxuu ka sheekaynayaa ololihii qaadka lagaga joojinayey dalka Ingiriiska iyo guushii laga gaarey.
Buuggani sidoo kale wuxuu si aad u furan una hufan oo daacadnimo ku salaysan u soo bandhigayaa dhibaatadii i soo martay waayihii aan maandooriyaha qaadka isticmaali jirey, iyo dhibaatooyinkii aan ka soo maray isticmaalka mukhaadaraadka qaadka. Waxaan kaga sheekaynayaa wixii shakhsiyan aan kala kulmay maandooriyaha qaadka, iyo waxyaabihii igu dhaliyay inaan isticmaalka daroogada qaadka iska joojiyo. Waxaa kale oo buuggaani kaaga sheekayn doonaa sababihii igu dhaliyay inaan bilaabo halganka dheer ee tobonka sano qaatay ee aan ugu ololeeyay sidii qaadka looga joojin lahaa dalka Ingiriiska.
Waxaa kale oo buuggu soo bandhigayaa caqabadihii ka horyimid halgankii dheeraa ee ololaha Qaaddiid. Wuxuu tilmaamayaa oo dhiirrigelinayaa inuusan qofku marnaba ka quusan hiigsiga himiladiisa, caqabad walba oo soo foodsaartana uu ku wejeho dhiirranaan iyo dhabar adayg, isagoo muujinaya dadaal dheeraad ah, Ilaahayna talada saaranaya."

ABUUKAR CAWAALE "QAADDIID" waa qoraa, macallin, wariye, ganacsade, ka shaqeeya arimaha bulshada, gaar ahaa dabargoynta maandooriyaha qaadka oo uu guul ka gaaray bishii Yuulyo, 2013kii, markii ugu dambeyntii dowladda Ingiriisku go'aansatay in qaadku ka mid yahay maandooriyeyaasha halista ah, waxaana laga xaaraantinnimeeyay waddanka Ingiriiska. Wuxuu shaqo culus ka qabtay ololahii qaaddiid, ama la dirirkii qaadka laga ganacsado, la iibsado, ama la cuno. Abuukar Cawaale kuma qanacsana in daIka Ingiriiska Qaadka laga xaaraantinnimeeyay oo kaliya. Wuxuu hadda olole hor leh ugu jiraa sidii wax looga qaban lahaa musiibooyinka uu Qaadku ku hayo in badan oo ka mid ah Soomaalida ku nool gudaha waddanka Soomaaliya iyo waddamada la dariska ahba. Wuxuu u heellan yahay howl cusub iyo halgan hor leh.

Product details

Authors Abuukar Cawaale
Publisher Looh Press Ltd
 
Languages Somali
Product format Paperback / Softback
Released 06.10.2021
 
EAN 9780993431357
ISBN 978-0-9934313-5-7
No. of pages 190
Dimensions 140 mm x 216 mm x 12 mm
Weight 276 g
Subjects Guides > Health
Non-fiction book > Psychology, esoterics, spirituality, anthroposophy > Applied psychology

Customer reviews

No reviews have been written for this item yet. Write the first review and be helpful to other users when they decide on a purchase.

Write a review

Thumbs up or thumbs down? Write your own review.

For messages to CeDe.ch please use the contact form.

The input fields marked * are obligatory

By submitting this form you agree to our data privacy statement.