Fr. 32.30

Gunaanad (Ummulraac)

Somali · Paperback / Softback

Shipping usually within 2 to 3 weeks (title will be printed to order)

Description

Read more










"Lafo-gureyaaasha suugaantu haddii ay murugo iyo maad sheekooyinka u qaybiyaan, tani qaybta murugada ayay ku abtirsataa. Waxay ka mid tahay sheekooyinka nooca haddaad bilawdo aadan awoodi karin inaad joojiso. Waa sheeko dhacday oo qofkii ay la soo gudboonaatey qudhiisu u qalinka u qaatay, dabadeedna inoo soo bandhigay, iyada oo si dhab ah dareenkiisa u xanbaarsan. Bog waliba inaad u gudubto bogga xiga ayuu kugu marti-qaadayaa ilaa saacadaha qaarkood aad ku hurdo-seegto! Sannadkii 2010kii ayaan kansho u helay iyada oo aan daabacnayn inaan akhriyo, runtiina waxaan dareemay ilmada qoraagu inay bog walba ku daadanayso, markaas baan aniguna la ilmeeyey!"
- Axmed F. Cali "Idaajaa"

Sheekadani waxay akhristaha u soo gudbinaysaa dhacdo dhab ah. Samatar iyo Ilwaad waa lammaane is jecel oo waayuhu kala geeyey, halgan adagna u galay sidii ay maruun qoys u yagleeli lahaayeen. Colaad iyo dagaal aanay fileyn ayaa uga yimid, xidid iyo xigaalaba, kuwii ay tabantaabada iyo hiilka ka dhowrayeen. Geed dheer iyo mid gaabanba waxay u fuuleen sidii ay isu seejin lahaayeen. Waa qiso is rogrogeysa oo kacaa-kufeysa, hadbana dhan kaa soo galeysa, kuna laabkicinaysa. Waxay maraysaa heerar iyo marxalado kala duwan. Mar way ku hiyi kicinaysaa oo dareen ayey kugu abuuraysaa, marna waa kaa caraysiinaysaa oo dagaal ayey ku gelineysaa. Kol inay kaaga ilmaysiiso ayaa la arkaa, marna inay ku farxadgeliso.
Mar waxay ku dhadhansiinaysaa macaan aad muudmuudsato, marna kharaar aad isla markiiba soo tufto. Waa dhacdo in wax lagu qaato mudan, dhinacyo bandanna taabaneysa. Waxay si gaar ah wax uga iftiimineysaa sidii ay bulshadeennu ula dhaqmi jirtey lammaane is jecel, gaar ahaan kuwii xaaladdooda dhaqaale iyo midda bulsho aaney isku midka ahayn ee ay kala duwaneyd. Sidii loo arki jirey wiil danyar ah oo hawaysta gabar reerkoodu ladan yahay.

Product details

Authors Cabdulqaadir C. Diini
Publisher Looh Press Ltd
 
Languages Somali
Product format Paperback / Softback
Released 02.08.2021
 
EAN 9781912411306
ISBN 978-1-912411-30-6
No. of pages 258
Dimensions 140 mm x 216 mm x 16 mm
Weight 369 g
Subject Fiction > Poetry, drama

Customer reviews

No reviews have been written for this item yet. Write the first review and be helpful to other users when they decide on a purchase.

Write a review

Thumbs up or thumbs down? Write your own review.

For messages to CeDe.ch please use the contact form.

The input fields marked * are obligatory

By submitting this form you agree to our data privacy statement.