Fr. 25.90

Hoggaanka iyo Haweenka

Somalo · Tascabile

Spedizione di solito entro 2 a 3 settimane (il titolo viene stampato sull'ordine)

Descrizione

Ulteriori informazioni










Labada jaad ama jinsi ee ragga iyo dumarka waxaa Alle u doortay inay dunida maamulaan, mid kastana wuxuu u yeelay hawl iyo xil saaran iyo xuquuq iyo xaqdhowr uu xilkaa la saaray ku yeelanayo. Hooyada waxaa laga dhigay tiir-dhexaadka ay bulshadu ku taagan tahay, la'aanteedna aanay bulshadu taabbaqaadi karin, qoyskuna aanu dhisnaan karin. Marka dib loo jalleeco sooyaalka iyo dhigaallada laga sameeyey noloshii dumarka soo mareen, waxay muujinayaan inay soo mareen heerar kala duwan haddii ay noqon laheyd dhanka nolosha, halka ay ka joogto bulshada, dhanka xuquuqda iyo wixii la mid ah. Ilbaxnimooyinkii iyo bulshooyinkii dunida soo maray waxay ku xadgudbeen qaayihii iyo karaamadii dumarka. Qaarkood sidii badeecadii ayey iibiyeen, qaarkoodna iyagoo nool ayey dab ku rideen ama aaseen. Islaamku wuxuu dabargooyey dhaqammadii xumaa ee dumarka lagula kici jirey. Sida raggaba, wuxuu siiyey xuquuq, wuxuuna saaray xil. Hagardaamooyinkaa dumarka lagu hayey waxaa ka dhashay gadoon iyo kacdoon looga dhiiddhinayo dhibaatooyinkaa dumarka haystey. Kacdoonkaasu wuxuu keenay in aqoonyahanka iyo culimada Saynisku ay cilmibaaris sameeyaan si ay jawaab ugu raadinayaan is weyddiimo badan oo dhashay. Sidee ayey aheyd nolosha haweeneyda Islaamka ka hor, Islaamkuse muxuu ka qabtay? Ma dhab baa in Shareecada Islaamku aanay dumarka tixgelin siin oo aanay xuquuqdooda dhawrin? Maxaa keenay kacdoonkii dumarka ee Yurub ka bilowdey? Ma xornimo-u-dirir ayey ahaayeen, mise waxay doonayeen sadbursi iyo inay helaan sad aanay laheyn? Maxaa keenay dagaalka ay ku hayaan diimaha, gaar ahaan Islaamka? Ma jiraan wax caddeynaya in ragga iyo dumarku abuur ahaan ay jirto wax ay ku kala geddisan yihiin?
KU SAABSAN QORAAGA:CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin: Ka Joogsada qof yiri "Laa Ilaaha Illallaah" (2011); Tarankii Qurbaha Tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021).Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance.

Dettagli sul prodotto

Autori Cabdulqaadir Cabdulle Diini
Editore Diini Publications
 
Lingue Somalo
Formato Tascabile
Pubblicazione 01.05.2023
 
EAN 9781912411276
ISBN 978-1-912411-27-6
Pagine 220
Dimensioni 140 mm x 216 mm x 14 mm
Peso 317 g
Categoria Scienze umane, arte, musica > Storia > Storia dei paesi e delle regioni

Recensioni dei clienti

Per questo articolo non c'è ancora nessuna recensione. Scrivi la prima recensione e aiuta gli altri utenti a scegliere.

Scrivi una recensione

Top o flop? Scrivi la tua recensione.

Per i messaggi a CeDe.ch si prega di utilizzare il modulo di contatto.

I campi contrassegnati da * sono obbligatori.

Inviando questo modulo si accetta la nostra dichiarazione protezione dati.