Fr. 34.70

Qaxooti

Somali · Paperback / Softback

Shipping usually within 1 to 2 weeks (title will be printed to order)

Description

Read more










Buuggani wuxuu dabo socdaa buugga Kalahaadkii
Muqdisho. Waa buug ka warramaya dhibaatooyinkii ka
dhashay dagaaalkii 1991-kii ka qarxay Muqdisho iyo
barakacii baahsanaa ee ku dhacay dadka Soomaaliyeed.
Wuxuu ka hadlayaa dadkii dagaalku kala firdhiyay dalka
gudihiisa dhibaatooyinka ku habsaday iyo kuwii dalka
dibaddiisa u baxay jahawareerka ku dhacay. Buugga oo
akhristaha dhul badan marinaya, wuxuu sheegayaa dadkii
qaxayay halganka ay galeen si ay naftooda u badbaadiyaan.
Dadku waxay meelo bad an kala kulmeen xarig, dil iyo
faquuq, kuwo badannina naftooday ku waayeen.
Markii dagaalku ka qarxay Muqdisho, dadkii degganaa
magaalada in badan waxay u qaxeen waqooyiga magaalada
iyo dhinaca Beledweyne, kuwo kalana dhinaca Koonfur iyo
magaalooyinkaJubbooyinka oo ay ka mid tahay magaalada
Kismaayo. Colaaddu waxay la guurtay dadkii qaxayay,
waxayna muddo yar gudaheed ku faaftay dhammaan dalka
cirifka cirif. Dagaalku ma ahayn mid qabyaaladdu keligeed
ololinaysay ee waxaa qayb weyn ka qaatay hardankii ka
dhashay kala ridashada bililiqada iyo dhacii aad u baahay.
Buuggu wuxuu akhristaha marinayaa dhulal badan oo
Soomaaliya ka mid ah iyo dalal ay ka mid yihiinJabuuti,
Itoobiya, Masar iyo Maraykan. Dhulka Soomaaliya iyo
dalalkaas qoraagu wuxuu wax ka xusayaa taariikhda iyo
dhaqanka dadka. Waxaa akhristaha la horkeenayaa dadkii
dibadda u qaxay oo intooda badan aan af Soomaali mooyee
af kale aqoon, horana aan u arag dhaqan shisheeye,
dhibaatooyinkii ay la kulmeen.

Product details

Authors Yuusuf M Xayd
Publisher African Bazaar
 
Languages Somali
Product format Paperback / Softback
Released 31.10.2023
 
EAN 9798887221120
ISBN 979-8-88722-112-0
No. of pages 180
Dimensions 129 mm x 198 mm x 11 mm
Weight 198 g
Subjects Fiction > Narrative literature > Letters, diaries
Non-fiction book > Philosophy, religion > Biographies, autobiographies

Customer reviews

No reviews have been written for this item yet. Write the first review and be helpful to other users when they decide on a purchase.

Write a review

Thumbs up or thumbs down? Write your own review.

For messages to CeDe.ch please use the contact form.

The input fields marked * are obligatory

By submitting this form you agree to our data privacy statement.